|
Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in ay diyaarineyso lacag dhan 100 milyan
oo Rand oo u dhiganta $12.7 milyan oo doolar ah, taas oo ay ugu deeqeyso
dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Koonfur Afrika ayaa sheegtay in lacagtaas ay ugu
deeqayso dowladda KMG loo adeegsan doono tababarka ciidamada booliska iyo
laamaha kale ee dowladda.
Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in
lacagtaas ay ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, ayna oggolaadeen in deeqdaas la
siiyo Soomaaliya wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradda arrimaha dibedda ee
Koonfur Afrika.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegtay in ay
daneynayso in shirkadaha waa weyn ee ganacsiga waddankaas ay tagaan Soomaaliya
si ay maalgashi ugu sameeyaan.
Si kastaba, wasaaradda arrimaha dibedda ma aysan sheegin xilliga ay lacagtaas
deeqda ah ku wareejinayso Soomaaliya, balse waxay tilmaamtay in ay sida ugu
dhaqsiyaha badan deeqdaas wejigeeda koowaad u gaarsiiyaan Soomaaliya.
HOME
|