|
Sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Maraykanka qaarkood ayaa waxaa ay
sheegayaan in Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta ay dileen Abuu
Mansoor Al-Amriki oo ka mid ah saraakiisha dhinaca ciidamada ee Al-Shabab.
Dhawr wargeys oo ka soo baxa wadanka Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil ka
tirsan dawlada Maraykanka iyo ilo ay sheegeen inay Soomaaliya ku leeyihiin ayaa
sheegaya in Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansoor Al-Amriki una dhashay
wadanka Maraykanka la dilay asaga iyo xubno kale oo Shabaab ka tirsan kuwaasoo
aan la shaacin inay Soomaali yihiin iyo in kale.
Hay’adda dawlada Maraykanka u qaabilsan la socoshada waxa argagagixisada loogu
yeero saraakiil ka tirsan oo la hadlay wargeyska la yiraahdo The Long War
Journal ayaa sheegay in Abu Mansoor Al-Amriki la gawrcay 4,tii bishaan aan ku
jirno ee April inkastoo ay ka gaabsadeen inay shaaciyaan goobta lagu dilay.
Sidoo kale war laga soo saaray xarun lagala socdo dhaq dhaqaayada Al-Qacida ee
gacanka Cadan oo ku taala magaalada Washington ayaa waxaa lagu sheegay in
warbixinadii ugu dambeeyay ee lahelayo ay muujinayaan in Xarakadda Al-Shabab ay
gawraceen Abuu Mansoor Al-Amriki oo saraakiisha ciidamada Al-Shabab kuwooda ugu
sar sareeya ka tirsanaa.
Wargeyska The Long War Journal ayaa ku waramaya in meydka Abuu Mansoor iyo
xubnno kale oo Shabaab ka tirsanaa oo lala dilay aan willi la aasin .
“Waa ay jirtaa wararka ah in la dilay Abuu Mansoor Al-Amriki waxaana noo
xaqiijiyay ilo wareedyo gudaha Soomaaliya jooga iyo mas’uuliyiin ka tirsan
dawlada Maraykanka waliba waxaa la dilay 4,tii bishaan April” ayuu yiri
tifaftiraha wargayska warkaan qoray Bill Roggio hase ahaatee waxaa uu xusay
inaysan jirin wax xiriir ah oo ay la sameeyeen dhanka Xarakadda Al-Shabab.
Bishii hore March ee sanadkaan ayayaheyd markii barta internetka ee YouTube,ka
laga daawaday cajal maqal iyo muuqaal ah oo uu soo duubay Abuu mansoor Al-Amriki
taasi oo uu ku sheegay inuu ka cabsi qabo inay Shababku dilaan.
Cumar Xamaami oo ku magac dheer Abuu Mansoor Al-Amriki oo 27 sano jir ah waxaa
uu u dhashay wadanka Maraykanka waxaana uu wax ka bartay jaamacadda Alabama ee
wadanka Maraykanka waxaa hay’adda FBI,da Maraykanka ay liiska dadka waxa
argagagixisada loogu yeero lagu daray sanadkii 2007-da.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabab oo warkaan lagu beeninayo
ama lagu xaqiijinayo.
HOME
|