|
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta
xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi caalami ah ee ka tirsan xubnaha ugu sareeyo
ee gudiga madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha
bini’aadanimadda.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafidiga ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha
bini’aadanimo, Xuquuqul Insaanka iyo waliba Xuquuqda haweenka.
Kulanka kadib ayaa Waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya. Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa gudiga madaxa banana ee
Qaramada Midoobay Shamsu daar.
Ugu horeyn waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafadda u
sheegay waxa ay ka wada hadleen xubnaha ka tirsan Qaramada Midoobay.
“Waxaa xafiiskeyga ku qaabilay gudiga madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u
qaabilsan arrimaha bini’aadanimadda oo aan ka wada hadalney arrimo dhowr ah oo
ay ugu horeyso arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo waliba dhowrista Xaquuqda haweenka
iyo Sidii loo dardar gelin lahaa howlaha socda imminka ee Roadmap-ka” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday iney ka wada hadleyn
dhowrista Xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo waliba sidii la isaga kaashan
lahaa, wuxuuna Wariyayaasha ku amaaney iney duruufo adag ku shaqeyaan mararka
qaarna ay la kulmaan dhibaatooyin balse laga gudbi doono dhamaan arrimahaasi.
Dhinaca kale, waxaa isna Saxaafadda la hadlay Shamsu daar oo ah madaxa gudiga
madaxabanaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka,
Wuxuuna ugu horeyn u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo sida loogu
soo dhaweeyay xafiis, Wuxuuna warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay
inuu yimaado Magaalada Muqdisho, Islamarkaana uu gudigiisa dadka Soomaaliyeed uu
kala shaqeeyo hormarinta arrimaha Xuquuqul Insaanka ayna xiriir wanaagsan la
leeyihiin dowladda KMG Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Shamsu daar ayaa u mahadceliyay Wariyayaasha, Isagoona soo hadal
qaaday in dowaladda iyo hay’adaha kaleba ay ka wada shaqeyn doonaan dhowrista
xuquuqul Insaanka.
HOME
|