|
Prof. Cabdi Max’ed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo
ku sugan dalka dibaddiisa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay
in Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaare C/wali
Max’ed Cali Gaas aysan qasbi karin Umadda Soomaaliyeed islamarkaana aysan ku
xadgudbi karin qaranimada, maadaama uu xusay inay wadaan Dastuur aysan raali ka
aheyn shacabka Soomaaliyeed.
Cabdi Max’ed Ismaaciil ayaa waxa uu sheega in Dastuurka ay wadaan Madaxda DKMG
ay kasoo horjeedaan shacabka uu ka imaan karo kacdoon shacbiyadeed haddii ay
isku dayaan inay ka hergaliyaan gudaha wadanka Soomaaliya.
Samatar ayaa waxa uu xusay in Dastuurka la doonayo in la ansixiyo uu kasoo
horjeedo shareecada Islaamka iyo qaddiyadda Umadda Soomaaliyeed , wuxuuna
carabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay inay ka hortagaan si
loo helo wax dan u ah shacabka Soomaaliyeed.
Qabyo qoraaleedka Dastuurka cusub oo ay horboodayaan Madaxda DKMG ah ayaa la
qorsheynayaan in 30-ka bisha lagu ansixiyo Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid
mudan tahay in Dastuurkaasi ay gabi ahaamba kaso horjeedaan qeybaha kala duwan
ee bulshada.
HOME
|