|
Dagaal qaraar ayaa xalay ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Ex-Control Afgooye
iyo Jaamacadda Shabelle, dagaalkaasi oo uu dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG ah
ee Soomaaliya oo garabsanaaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab, iyadoo dagaalkaasi uu
ahaa mid aad u culus, ayaa mid rasaasta la isku adeegsanaayay ay soo gaartay
xaafadaha Muqdisho qaarkood.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay iyadu dagaalka ku soo qaaday Fariisimo ciidamada
Dowladda KMG ah ku leeyihiin deegaanka Ex-Kontorol Afgooye, iyadoo dagaalkaasi
la isku adeegsaday hub culus, wuxuuna dagaalku socday muddo kooban.
Dagaalka ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen inta la eg ogyahay ilaa 8-ruux,
islamarkaana ay ku dhinteen tiro intaas ka badan oo ahaa dad rayid ah, iyadoo ay
jirto dad ay guryahooda ugu tagtay rasaastii la isweydaarsanaayay.
Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay inay dagaalkii xalay guulo ka gaareen
, islamarkaana ay jab gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda KMG ah, hase yeeshee
sarkaal u hadlay Ciidamada Dowlada KMG ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo
ayaa sheegay inay jebiyeen wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada.
HOME
|