|
Madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta Xafiiskiisa ku
qaabilay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo maanta Booqasho ku yimid
Muqdisho iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Keyna Shaacisay in ay safaaradeeda
dhaqso uga furaneyso Muqdisho.
Kadib markii uu wasiir ku xigeenka wsaaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya Mr
Richard Onyonga maanta booqasho ku yimid Muqdisho ayaa waxa Garoonka diyaaradaha
Aadan Cadde si diirran ugu soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka Tirsan wasaaradda
arrimaha dibadda Soomaaliya kuwaas oo uu horkacayay wasiir Ku xigeenka wasaradda
arrimaha dibadda Dr. C/Nuur Sheekh Ibraahim iyo xubno Kale, waxaana loo soo
gelbiyay xarunta madaxtooyada Qaranka.
Madaxweynaha shariif ayaa xarunta villa Soomaaliya ku qaabilay wasiir ku
Xigeenka arrimaha dibadda Kenya iyadoo kulankaasina ahaa mid ay albaabada u
Laabnaayeen.
Markii uu kulanka soo idlaaday kadib ayaa waxaa warbaahinta dowladda la hadlay
Richard Onyonga wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Kenya, isagoo tilmaamay in
Madaxweynaha uu kala hadlay arimo ku saabsan xaaladda dalka islamarkaana
Dowladda Kenya diyaar u tahay in ay sidaa ugu dhaqsaha badan safaaradeeda uga
Furato caasimadda.
Hora ayaa booqasho sidaan oo kale waxaa Muqdisho ku yimid wafdi uu Hogaaminayay
wasiirka arrimaha dibadda Kenya musas watangula kuwaas oo Wadahadallo ku saabsan
sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka shabaab la yeeshay Madaxda dowladda
Soomaaliya uu ugu horeeyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
HOME
|