|
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya C/samad
Macalin Max’uud oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Magaalada
Muqdisho ay ku soo qul qulayeen maalmihii u dambeeyay, siyaasiyiin, waxgarad,
aqoonyahano, Qurbo joog iyo Odayaal dhaqameedyo doonaya in ay ka qeyb galaan
shirka looga hadlayo soo dhisida dowladda Cusub.
Waxa uu Sheegay C/samad Macalin Max’uud in buslahda qeybaheeda kala duwann looga
baahanyahay in ay si weyn uga qeyb qaataan soo dhaweynta dadkaasi oo uu
tilmaamay in ay u imaanayaan Muqdisho sidii ay talooyin uga dhiiban lahaayeen
soo dhisida dowladda Cusub ee la filayo in la soo dhiso kadib bisha Augusto,
isagoo sheegay in loo baahanyahay in laga qeyb qaato soo ceinta bilicdii
magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga Qaranka ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay xaaladda amaan ee
Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in ay jiraan dad doonaya in ay
carqaladeeyaan amniga Magaalada Muqdisho, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin
dhamaan hay’adaha amniga ee dowladda KMG inay sugaan amniga Ajaaniba iyo dadka
shacabka ah ee ka imaanaya Magaalada Muqdisho.
Hadalka wasaarada arimaha gudaha xukuumada KMG Soomaaliya ayaa imaanaya xili
qarax uu ka dhacay bishaan gudaheeda goob ay ka socotay munaasabad lagu xusayay
TV-ga Qaranka halkaasi oo uu ku sugnaa Ra’iisul wasaare Gaas, iyadoo la filayo
in magaalada Muqdisho lagu qabto shirka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.
HOME
|