|
Guddiga amniga qaranka ayaa xalay Magaalada Muqdisho waxa uu ku yeeshay kulan
balaran, kaasi oo ay uga hadalayeen xoojinta ammaanka guud ee dalka, iyadoo
kulankaasi looga hadlaayay arrimo badan oo dhanka amniga ah.
Kulankaasi uu yeeshay Gudiga Aminiga Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa
shirgudoominaayay madaxweynaha Soomaaliya ahna taliyaha guud ee ciidammada
Qalabka Sida ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed , waxaana goob joog ka
ahaa hey’adda amniga qaranka iyo taliyayaasha ciidammada Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta, Boosta iyo Isgaarsiinta C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn
oo kulanka guddiga amniga qaranka ayaa sheegay in kulankaasi looga hadlay
qodobbo badan oo ay ugu waa weyn yihiin xoojinta iyo adkaynta amniga dalka.
Wasiirka Warfaafinta waxa uu sheegay in guddiga ay ka dooddeen sida ugu
wanaagsan ee xilligani loo suggi karo ammaanka caasimadda, isla markaana
ciidammada amniga loogu dhiirri gallin lahaa sidii ay qayb libaax leh uga qaadan
lahaayeen sugidda amniga.
Gudiga amniga ayaa isla gartay in si adag loo xoojiyo ammaanka xarumaha ay ka
dhici doonaan Ansixinta Dastuurka dalka, si aysan arrimahaasi u qal qal gallin
Kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda.
Dhinaca kale Wasiirku waxa uu sheegay in deegaannada laga xorreeyay Al-Qaacidda
la geyn doono ciidammo gaar ah oo ammaanka deegaannadaasi la wareegga, isagoo
sheegay in hey’addaha amniga qaranka amar lagu siiyay in ay ballaariyaan la
dagaallanka shaqsiyaadka waxyeelleenaya ammaanka Magaalada Muqdisho.
HOME
|