|
Sannad guurrada ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sannadkan ka baddelnaan
doonta sannadihii horre, sababta maxay tahay? Sannadkanse maxaa laga filan karaa
oo isbaddel ah ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed jiritaankooda.
Sannadihii aynu soo dhaafnay, sannad guurrada ciidammada Xoogga dalka
Soomaaliyeed waxay u dhacday siyaabo kala duwan, sannadkaanse waxaa ka muuqanaya
isbaddello xooggan, kuwaasi oo dhammaantood ku xardhan guullo ay ummadda
Soomaaliyeed u riyaaqday.
Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed marka laga hadlayo waxa ay ka baddellan
yihiin guud ahaan ciidammada Soomaaliya, hasa yeeshee Sababtaasi maxey tahay?
Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed magacooda ha raagge, waxa ay sumcad iyo
sharaf aan la illaabi Karin ku leeyihiin Qaaradda Afrika iyo guud ahaan caalamka,
calaamadaha taariikhiga ah ee ciidammada Xoogga lagu xasuusto, waxaa ka mid ah.
Markii dhidibada loo taagay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed 12-kii April
sannadkii 1960-kii, iyaga oo ka kooban 27 sargaal ayeey wax ka yar Shan
sannadood ku gaareen ciidan dhammeystirsan oo dalka dhan Difaaciisa u diyaarsan.
Marka aad xuurraansato raggii waayo joogga u ahaa dhismaha iyo awooddii ay
lahaayeen ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, sida S/Guud Maxamed Cali Samatar,
waxa ay xaqiijiyeen dadaalka iyo waqtiga ku baxay xoojinta iyo Tayenta
ciidammada Xoogga in ay ahayd mid ay u dhammaayeen guud ahaan shacabka
Soomaaliyeed.
Xulashada Askariga Xoogga ku biirraya waxa lagu xulan jiray astaan
Waddaniyaddeed, taasi oo raali gallin jirtay mariiska ummadda Soomaaliyeed,
haddii aan intaasi uga guddubno, isbaddelka 21 sanno kaddib ka muuqda ciidammada
Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo waxa laga filan karo sannadha soo aadan.
Marka laga hadlayo sannad guurrada 52-aad ee ku beeggan 12-ka April hasa yaashee
aan maanta u dabaal daggeyno, waxa ay ka baddelnaan doontaa waayihii horre loo
soo dhaafay, taasi oo ay sabab u tahay Laba arrimood oo muhiim ah, sida dhismaha
ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isbaddel xooggan uu ku yimid, haddana
sii hiigsaya, sidoo kale guullo ay hoggaanka u hayaan ciidammada Xoogga dalka oo
ay shacabka Soomaaliyeed ku mushaaxayaan.
Diyaarinta guullahaasi iyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya ee hadda
jira, saraakiil iyo shacabka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibedda ayaa uga mahad
celiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed,
oo ay ku tilmaameen mid ka mid ah Abaayaashii soo maray ciidammada Xoogga dalka
Soomaaliyeed.
Tan iyo markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda la wareegay tallada hooggaanka
dalka, waxa uu ku dhiirraday soo celinta iyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka
Soomaaliyeed iyo guud ahaan ciidammada Qalabka Sida, waxaana arrintaasi ay
dhallisay in maanta aan leenahay ciidammada kala duwan, isla markaana sannadaha
soo socda looga fadhiyo in ay dib u hantaan kaalintooda ama astaamihii ay
ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed lahaayeen, waxaana ku soo gabagabeynayaa
Hambalyo diiran oo aan si wadajir ah uga direyno ciidammada Xoogga dalka
Soomaaliyeed.
HOME
|