|
Afar qof ayaa ku dhimatay rasaas la sheegay in saaka ay fureen ciidamada
Ethiopia ee ku sugan magaalada Beledweyne, kaddib markii bam lagu weeraray xilli
ay marayeen waddo ka mid ah waddooyinka magaalada.
Afarta qof ee tacshiiradda ku geeriyootay ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiray
wiil laga shakiyay inuu ahaa shaqsiga bamka ku tuursay ciidamada Ethiopian-ka.
Lama oga in qaraxa bamka uu khasaare ka soo gaaray ciidamada Ethiopia iyo in
kale, iyadoo aanay jirin mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo arrintaas
ka hadlay.
Waa dhacdadii ugu horreysay nooceeda oo ay Ethiopianka dad ku dilaan magaalada
Beledweyne tan iyo markii ay gudaha u soo galeen Soomaaliya horraantii sanadkan.
HOME
|