bbc11.jpg (2478 bytes)
bbc14.jpg (2475 bytes)
bbc18.jpg (2481 bytes)

aljazeera.jpg (3933 bytes)
News
Sports
Health
islam1.gif (1367 bytes)
Islam
UN
Somali
Arabic


»SomaliDiasporaNews
» Arts-Osmanart
» AllPuntland
» Allsomali.com   
» Awdelnews.com
» AminArts

» Baydhabo

» Banadir-City

» Banadir24

» Barawapost

» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule
» Boondheere

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Banooda

» Bulshoweyn

 

» Calanka

» Codk Somali

» Cadaado

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet
»
COS Company

 

» Gedonet 

» Geeska Afrika
» Gendershe

 

» Hamarey

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Iibka.com

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Lafoole.com

 

» Marka Cadeey

» MarkaCadey.net

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Midnimo.com

» MudugOnline

» MudugNet

» Muudi.net


» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

» RadioBuhoodle

» Radio Somaliland

» Ruunkinet.com

 

» SomaliNewsPost
»
Somalia24
» Somraf
»
Sharmarke Peace Foundation
»
Somali Fans
»
Sh. Hoose

» Somali Sports

» SSUNION

» SomaTVOnline

» Somaswis

» SomaliMarket
»
Somali Jecel

» Somali Bantu

» SBC Online

» Somali IT

» Saylac.com

» Somali Fish Soc.

» Somalilandnews

» Somalitalk.com

» Somali Malaysia

» Somalilife.com

» Somaliawatch

» Somaliawatch

» Somalilandnet

» SomaliNet

» Somali Center

» Somitek

» Somalitribune

» Somali Environ

» Somali Weyn

» Somali Youth
» Warkii

» Widhwidh

» XamarNews

 

Radio Links


» Radio SCERDO 
» Radio Benadir
» Radio Somaliland
» Radio Dalmar
» Radio Golis (RG)
» Sagal S. Radio
» Somali Radio (USA)

 

 

 

Qabyo Qoraalkii Dastuurka oo Xilligii loogu talogalay lagu dhameystiray

 


April 23, 2012 Markacadeey


Muqdisho 23 April 2012. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xaqiijiyey in Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Khubarada Soomaalida inay Qabyo-Qoraalkii Dastuurka ku soo gabogabeeyeen waqtigii loogu talo galay ee aheyd 20kii April 2012 kanoo waafaqsan Axdiga KMG ah, waqtiyeynta Roadmap ka iyo Heshiisyadii Garoowe.

Sanadkii 2004 ayey aheyd markii lagu heshiiyey Axdiga KMG ah oo muhiimada koowaad siinayey in la sameeyo Dastuur si loo soo afjaro xilliga KMG ah, dastuurkaas oo ku dhisan sharci, caddaalad, iyo sinnaan. Dadaaladii Xukuumadihii FKMG ah, Guddiga Madaxa Bannaan iyo Guddiga Khubarada Soomaaliyeed ayaa socday muddo 8 sano ah oo marar fara badan lagu guul dareystay, marar baddanna dib-u-dhac fara badan ku yimid, ha yeeshee markaan si wanaagsan loogu guuleystay.

Xukuumadda FKMG ah ee Ra’iisul Wasaare Prof Cabdiweli Maxamed Cali waxey mudnaanta koowaad siiyeen Dastuurka oo lafdhabar u ahaa qoddobadii lagu heshiiyey Roadmap ka 6dii September 2011 oo si gaar ah u xusayey in Qabo-Qoraalka Dastuurka lagu soo dhameytiro 20ka April 2012. Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “ Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in xubintii ugu muhiimsaneyd ee qeybaha Roadmapka ee aheyd Dastuurka in lagu soo dhameystiray xilligii la isla gartay. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed oo muddadii wadatashiga ku biirayey fikradahooda si hagar la’aan ah, Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka (IFCC) iyo Guddiga Khubarada Soomaaliyeed (CoE) oo danta guud ka horumariyey tooda gaarka ah, Wasiirada Wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, shaqaalaha Xafiiskeyga, guddiyada farsamo iyo beesha caalamka oo xaqiijiyey guushan taariikhiga ah inay noqoto mid dhab ah.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey dhameystirka qabyo-qoraalka Dastuurka in ay tahay tallaabo muhiim ah oo horey loo qaaday si ay ummadda Soomaaliyeed u yeeshaan Dastuur, kaasoo ku saleysan Shareecada Islaamka una keenaya mustaqbal cusub oo Soomaalidu ay ka mid noqoneyso bulsho leh Dastuur ay ku dhaqmeyso oo ku dhisan caddaalad, sinnaan iyo horumar oo aysan dib danbe u dhici doonin in shaqsi ama koox ama fikrado gaar ah u yeeriyaan rabitaankooda.

Qabo-qoraalka Dastuurka waxaa la horgeynayaa Golaha Ansixinta Dastuurka 15ka May 2012 si ay u ansixiyaan, oo horey loogu heshiiyey heshiisyadii Garoowe iyo kii Roadmap ka. Golaha Ansixinta Dastuurka waxuu ka koobnaan doonaa 825 xubnood oo ka kala imanaya dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo muddo labo usbuuc ah ka doodi doona Dastuurka, ka dibna tixgelin doona ansixinta Dastuurka si KMG ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay haddii Golaha Ansixinta Dastuurka ay u coddeeyaan Dastuurkaas uu noqonayo mid si KMG ah loogu dhaqmo. Kaasoo ahaan doona mid KMG ah inta dowladdu ay ka abaabuleyso doorasho shacabka oo dhan ay ka qeybgalaan oo lab iyo dhadigba ay helaan fursad ay ugu coddeeyaan dastuurka.

“Dastuurkan waxaa iska leh Shacabka Soomaaliyeed, sida rag, dumar, caruur iyo waayeelba. Haddii aan u isticmaalno si sax ah, una xafidno si sax ah, una horumarino si sax ah, waxuu noqon karaa mid awood leh oo si guud nooga xorreeya caddaadiska, xad-gudubyada xaquuqul insaanka iyo mid noo dhowra dhamman sharafta ummadda Soomaaliyeed. U isticmaalidda sida saxda ah, waxey kaloo noo horseedeysaa xornimo dhameystiran, horumar dhaqaale iyo barwaaqo.” Ayuu ku soo gabogabeeyey Ra’iisul Wasaarahu.

 

 

 


 

HOME

Get a 7-Day Free Trial to FunPass.


 

 

Free Shipping @ Shoebuy.com!
 

return.gif (3137 bytes)