|
Safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya ayaa u digtey muwaadiniinteeda ku nool
gudaha dalka Kenya.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska safaaradda ee Nairobi ayaa lagu sheegay in
muwaadiniinta Maraykanka ahi ay feejignaan dheeri ah muujiyaan.
Hoteelada, Suuqyada iyo goobaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan ayaana kamid ah
meelaha sida gaarka ah farta loogu fiiqay in dadka maraykanka ahi ka fogaadaan.
“Lama garan karo wakhtiga ay wax dhacayaan, laakiin hadana safaaradu waa inay u
diyaargarowdaa ka hortagga weerar walba oo ay suurtagal tahay inuu dhaco”
qoraalka kasoo baxay safaaradda Maraykanka ayaa sidaas lagu yiri.
Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi waxaa horay uga dhacay weeraro ay qaarkood
mas’uuliyadooda sheegatay xarakada Al-shabaab, kuwaasoo lala bartilmaameedsaday
Baarar iyo Boosteejooyinka basaska laga raaco.
Ma ahan markii ugu horeysey ee ay dowladda Maraykanku u digto muwaadiniinteeda
ku nool guda Kenya iyo weliba kuwa safarka ku ah labadaba.
Haseyeeshee waxaa jirey dhowr mar oo hore oo ay sidan kale digniin ugu soo
jeedisey, laga soo bilaabo xiligii ay ciidamada Kenya dhinaca Soomaaliya u
tallaabeen.
HOME
|