|
War saxaafadeed ka soo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxaa lagu
sheegay in dawlada Maraykanku ay mar kale lacago gaaraya 120, Million oo
dollarka Maraykanka ah ugu deeqday wadamo ku yaala geeska Africa oo ay
Soomaaliya ku jirto.
War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in willi gobolo Soomaaliya ku yaala ay ka
jiraan macaluul dad badana ay u baahan yihiin inay helaan gar gaar bini’aadanimo.
Dawlada Maraykanku waxaa ay sheegtay in dhawan ay Q,M xaqiijisay in gobol ku
yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay willi ka jiraan abaaro waxaana warku
intaa ku darayaa in lacagahaan loogu talo galay in lagu dadka Soomaaliyeed ee
gudaha kubarakacay iyo kuwa ku jira xeryaha qaxootiga wadamada Soomaaliya
dariska la ah.
Si looga hor tago macaluul mar kale ku dhufata dalka Soomaaliya ayaa waxaa loo
baahan yahay in laga wada qeyb qaato u gurmashada dadka Soomaaliyeed.
Maraykanku waxaa uu ugu baaqay wadamada beesha caalamka inay caawiyaan dadka
Soomaaliyeed sidoo kalena wadamada dariska la ah ayaa loogu baaqay inay soo
dhaweeyaan qaxootiga Soomaaliya ka cararaya si ay daryeel u helaan.
Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in tan iyo markii ay Soomaaliya macaluushu ka
dilaacday Soomaaliya ay ku bixisay lacag dhan 1.1 billion oo Dollar.
Hadalka Maraykanka ayaa yimid iyadoo dalka uuu ku bilawdeen roobabka xilliga
gu’ga oo dad badani ay damacsan yihiin inay hadda tacab galaan.
HOME
|