|
Shir socday afar cisho oo looga hadlayay qorshe u sameynta xasilinta magaalada
Muqdisho ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee caasimadda dalka
Uganda.
Shirka waxaa ka qeyb galay ku dhowaad 100 xubnood oo ka kala socday mas’uuliyiin
ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, wasaaradda arrimaha gudaha, taliyeyaasha
saldhigyada booliska, nabad-sugidda iyo xubno ka socda bulshada rayidka.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda USAID ayaa sidoo kale looga hadlay ka
faa’iideysiga mashaariic ay hay’adda ka fulin rabto degmooyinka Muqdisho, kuwaas
oo ay ku baxayso lacag malaayiin doollar ah.
Degmo kasta oo ka tirsan siddeedda degmo ee gobolka Banaadir ayay USAID ugu
talagashay lacag dhan 600 oo kun oo doollar
Mashruuca USAID oo loo bixiyay Dan-guud ayaa lagu maal-gelinayaa adeegyo ay ka
mid yihiin dugsiyo waxbarasho, xarumo caafimaad, biyo nadiif ah iyo dib u habeyn
in lagu sameeyo xarumihii dadweynaha ee ku burburay dagaallada.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Banaadir, Warsame
Maxamed Xasan ayaa Bar-kulan u sheegay in wakiillada degmooyinka gobolka
Banaadir ay hay’adda USAID u gudbiyeen codsiyadooda ku aaddan dhinaca adeegyada
aasaasiga ah ee loo baahan yahay in si deg deg ah loo hirgeliyo.
HOME
|