|
Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay
Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay Muwaadiniin Soomaali ah oo gaaraya labo
ruux lagu dilay gobolada Abyan iyo Ticis, isagoo tilmaamay inay jiraan dad kale
oo ku dhibaateysan dalkaasi.
Xuseen Xaaji Axmed ayaa waxa uu sheegay in dalka Yemen ay ku sugan yihiin
Soomaali farabadan oo halkaasi ku haysata dhibaatooyin kala duwan, wuxuuna ugu
baaqay dhalinyarada Tahriib doonka ah inay ka waantoobaan.
Sido kale Qunsulka ayaa waxa uu sheegay in in Xadka u dhaxeeya dalalka Yemen iyo
Sacuudiga ay ku sugan yihiin Muwaadiniin badan oo donaya inay u tallaabaan dalka
Sacuudiga, isagoo sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay u maraan Tahriibkaasi.
Badda u dhaxeya Yemen iyo Soomaaliya ayaa waxaa ku maqan Soomaali badan oo
doonayay inay u tahriibaan dalka Sacuudiga iyagoo ka cararay dhibaatooyinka ka
jira Soomaaliya.
HOME
|