|
Dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia oo taageeraya dhismaha ciidanka Soomaaliya
SONNA
December 1, 2012 Markacadeey
|
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay kulammo
uu la soo qaatay wasiirrada Gaashaandhigga Dalalka Jabuuti iyo Ehtiopia ayaa
sheegay in labadaasi dowladood ay Soomaaliya ka taageeri doonaan dib u dhiska
Ciidammada Qalabka Sida iyo la dagaalanka argigixisada.
Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo qeyb ka ahaa
wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha J. F.Somalia ee soo booqday waddamada
Jabuuti iyo Ethiopia, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamo uu la soo qaatay
wasiirrada Gaashaandhigga ee waddamadaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in
labadaasi dalba ay dowladda ka taageeridoonaan dhismaha ciidamada iyo la
dagaallanka argagixisada.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hoosta ka xariiqay in uu kulamo la soo qaatay
wasiirrada Gaashaandhigga wadamada Jabuuti iyo Ethiopia, isagoo carrabka ku
adkeeyay in wasiirrada Labada dalka uu kula heshiiyay in ay dowladda ka
taageeraan dhismaha ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada iyo iskaashi ku
aadan horumarinta iyo tayeeynta ciidamada XDS.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal ballaaran ugu jirta dib u dhiska iyo
tayeeynta ciidamada XDS si loo soo celiyo awoodii iyo sharaftii lagu yaqaanay
ciidamadeena iyagoo tabar iyo awoodba u yeelan doona xoreynta dalka oo dhan.
HOME
|
|
|
|