|
Warbixin laga soo saarey in la dhimay xowligii burcad badeeda Soomaalida
December 2, 2012 Markacadeey
|
Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in hoos loo dhigey kororkii iyo
xowligii ay ku socdeen burcad badeeda Soomaalida oo mudooyinkii ugu dambeeyay
dhibaatooyin ku hayay gaadiidka Badda oo ku socdaalayay Marin biyoodka.
Admiral Duncan Potts oo kamid ah taliyaasha ciidamada la dagaalanka kooxaha
burbadbadeed ee ka socda midowga yurub ayaa ka digay in wadamada ku lugta leh
howlgalka ay yareeyaan ciidamada iyo maraakiibta dagaalka ee ka jooga xeebaha
gacanta cadmeed iyo biyaha badweyntaIndia.
Admiral Potts ayaa sheegay in guulo badan laga gaaray howlgalada ka dhanka ah
burbadbadeeda sanadkan marka loo eego sanadihii lasoo dhaafay.
Tiro koob la sameeyay ayaa muujinaya in burcad badeeda ay qaadeen ilaa 34 weerar
sanadkii lasoo dhaafay ee 2011 kuwaasi oo 5 kamid ah ay ku guulaysteen inay ku
afduubtaan ilaa 5 marab iyo shaqaalihi la socday.
HOME
|
|
|
|