|
Golaha Wasiirada oo Maanta Ansixiyey Miisaaniyada Sanadka 2013
December 3, 2012 Markacadeey
|
Shir ay maanta isugu yimmaaddeen Golaha Wasiirada oo uu gudoominayey Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
ayaa waxaa looga hadaly arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Amniga,
Miisaaniyada Sanadka 2013ka iyo Hantida Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay
Talyaaniga iyo Maraykanka.
Golaha wasiirada ayaa aad u soo dhaweeyey qaadida isbaarooyinkii yaalay
magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda iyadoo gaadiidka looga qaadi jiray lacag
lagu qiyaasay 30,000 doolar oo sharci darro ah maalin kasta, taas oo maanta
sababtay in ay qiimo dhimis sameeyaan gaadiidka ka shaqeeya magaalada muqdisho
iyo gobolada dalkuba.
· Ugu horrayntii Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta, Mudane Maxamuud Xasan
Suleymaan, ayaa golaha u soo gudbiyey Miisaaniyadda Sanadka 2013ka, taas oo aad
uga badan Miisaaniyaddii ka horaysay ee sanadkan aan ku jirno ee 2012ka.
Wasiirka ayaa sheegay in Miisaaniyadda uu soo gudbiyey 75% ka imaan doonto
dakhliga gudaha dalka ka soo geli doona dawladda. Ugu dambeyntiina markii la
isla eegay, waxaa golaha wasiiradu ah ku ansixiyeen Miisaaniyada cod aqlabiyad
ah, iyadoo la hor gayn doonaa Golaha Baarlamaanka.
· Waxa kale oo Golaha Wasiirradu isku raacay in la joojiyo lacagaha qaababka
kala duwan loogu qaado Dekedda Muqdisho, iyadoo lacagta keliya ee la oggol yahay
in Dekedda Dhexdeeda lagu qaadaa ay tahay Cashuurta Dawladda Dhexe.
· Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday sidii laga yeeli lahaa Hantida ma
guurtada ah ee safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Roma iyo New York, iyadoo
maalmahaan ay soo baxayeen warar sheegaya in dad ajaanib ah laga kireeyey
dhismayaasha safaaradahaasi. Dooddii golaha ka dib, waxa la go’aamiyey in la
magacaabo guddi Wasiirro ah oo ka soo baaraan dega arrintaasi. Guddiga waxa
hoggaamin doona Ra’iisal Wasaare Kun Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda
Marwo Fawsiya Xaaji Aadan.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa
sheegay in dowladda cusub siyaasadeedu tahay iney adeegyada dowladda gaarsiiso
gobolada dalka, madaxda dowladuna booqan doonaan goboladaas. Wuxuuna amaan u
jeediyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Kismaayo oo
maalintii shalay ahayd ka hortagay gawaari laga soo buuxshay waxyaalaha qaraxa
oo la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
oo saxaafada la hadlay ayaa aad ugu amaanay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sida
geesinimadu ku dheehan tahay oo ay uga qaadeen isbaarooyinkii dhex yaalay
magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare “Saacid”
wuxuu baaq nabadeed u diray beelihii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud, waxana uu
tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay dadku uga geeriyoodeen dagaaladaas,
isagoo sheegay in Xukuumaddu u dirayso gudi wasiirro ah si waan-waan iyo xal
waara looga gaaro colaaddaas.




HOME
|
|
|
|