|
Boosaaso: Puntland oo laga aasaasay Urur siyaasadeedkii labaad
AllPuntland
December 5, 2012 Markacadeey
|
Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa looga dhawaaqay Ururu siyaasadeed
cusub oo ka qaybqaadan doona siyaasada Axsaabta badan ee Puntland, Ururukaan
ayaa lagu magacaaba UGUB, Urur siyaasadeekaan cusub oo xaflad lagu daahfurayo
lagu qabtey 03-012-2012 Magaalada Bosaso waxaa khudbad ka jeediyey Gudoomiyaha
Ururka Maxamud Siciid Nuur (Dabeyl).
Xaflada waxaa ka soo qayb galay Isimo, waxgarad, Ururada ulshada, Haween ,
dhalinyaro iyo dad rayid ah, Waxgaradkii ka hadlay waxaa kamid ahaa Caraale
Siciid iyo Suldaan Cabdilaahi Jeenicad oo ku tilmaamay talaabada UGUB iney tahay
mid ku dayasho mudan, ayna soo dhaweynayaan.
Xarunta ugu weyn ee Ururka waa Magaalada Bosaso, waxayna xubnaha Ururku ku
howlan yihiin iney xarumo deg deg ah ka furtaan Magaalooyinka kale.
Horey ayaa Magaalada Garowe looga dhawaaqay Ururka Horseed oo isagu ah mid
xiligaan Muxaafid ah uuma hogaamiye ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.
HOME
|
|
|
|