|
Baydhabo: Sarkaal u shaqeynayay Qaramada Midoobey oo xalay gurigiisa laga baxay
December 6, 2012 Markacadeey
|
Magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay waxaa gurigiisa laga baxay sarkaal ka
shaqeynayay hay’ada Qaramada Midoobey, sida ay sheegayaan wararka halkaasi laga
helayo.
Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay gurigiisa kala baxeen Idiris Cabdi
DHaqtar oo ah mas'uul ka tirsan Qaramada Midoobey,islamarkaana maalmihii ugu
danbeeyay howlo shaqo u joogey Magaalada baydhabo oo ay maamusho Dowlada
Soomaaliya.
Waxaa adag in si dhab ah loo ogaado halka lala aadey mas'uulkan xaley kooxo
hubeysan ay kala baxeen guriiga oo kuyaala Magaalada baydhabo,waxaana saaka
lasoo sheegayaa in ciidamada Dowlada Soomaaliya ay wadaan baaris ku aadan halka
lala aadey Idiris Cabdi.
Maamulka Gobalka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaa ilaa iyo hada aaney jirin wax
war ah oo ay kasoo saareen afduubka loo geystay Sargaalka ka tirsanaa mid ka mid
ah hay'adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala magaalada Baydhabo ee gobalka
Bay,iyadoona aan la ogeyn waxaa kasoo bixi kara baaritaanada ay wadaan ciidamada
Dowlada.
HOME
|
|
|
|