|
Golaha Wasiiradda Oo Soo Saaray Go’aan Lagu Mamnuucayo Ka Ganacsiga Qalabka Ciidamadda
December 6, 2012 Markacadeey
|
Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
“Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo
adkaynta Amniga.
Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey booqashadii uu shalay ku
tagay cirifyada magaalada Muqdisho isagoona u kuur galayey xaalada Amniga iyo
sidii loo xoojin lahaa dadaalkii looga sifeeyey Isbaarooyinka goobo badan oo ku
yaala Caasimadda.
Sidoo kale golaha ayaa ka dooday sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee
ku yaala degaanka Al-jaziiro halkaas oo ganacsato Soomaaliyeed ugu diyaarsheen
Xoolaha Dalka laga dhoofinayo dhamaan agabyadii ay u baahnaayeen sida Naaxinta,
Baarista Caafimaadkooda, iyo Cawskii lagu calfin lahaa mudadda ay safarka sii
yihiin. Maxjarkan ayaa ah kan kaliya ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta
Soomaaliya waxaana ay bilaamaysaa xoolo dhoofintu 31 bishaan.
· Goluhu waxay isku raaceen in la sameeyo gudi ka kooban shan Wasiir oo kala
shaqeeya gacanstada dhoofinaysa Xoolaaha sidii ay ugu fududaan lahayd howlahooda
shaqo. Waxaana gudigaas ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka,
Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka
Khayraadka Dalka Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gudiga.
· Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan
karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha,
Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.
Ugu danbayntii Golaha ayaa Amaan u soo jeediyey shacabka sida ay ugu heelan
yihiin is bar-bar taaga dowladooda iyagoona ku tilmaamay in wada shaqayn dhex
marta shacabka iyo dowlada ay tahay tan kaliya oo lagu sugi karo amniga.



HOME
|
|
|
|