|
Madaxweynaha J.F.Somalia oo la kulmay R/wasaaraha Turkiga
Radio Muqdisho
December 7, 2012 Markacadeey
|
Madaxweynaha J. F. Somaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku maraya
dalka Turkiga ayaa magaalada Istambuul kula kulmay R/wasaaraha dalkaasi.
Madaxweyne Xasan SheekhMaxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay si diirran
loogu soo dhaweeyay magaalada Istambuul ayaa la kulmay R/wasaaraha dalkaasi
Rajab Dayib Ordugan, iyagoo ka wadahadlay arrimo ku saabsan xoojintya xiriirka
ka dhaxeeya labada dal.
Wasiirka Gaashandhigga mudane C/xakiin Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga
Madaxweynuha ku wehliya socdaalka uu ku marayo dalka Turkiga ayaa Radio Muqdisho
u sheegay in Madaxweynaha oo la kulmay R/wasaaraha dalka Turkiga islamarkaana ay
isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wadahadleen oo ku saabsanaa ammaanka
iyo horumarinta dhaqaalaha dalkeena.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo ayaa magaalada Ankara kula soo kulmay
madaxweynaha dalka Turkiga iyagoo halkaasi ku kala saxiixday heshiis taarikhi ah.
HOME
|
|
|
|