|
138 macallin oo tababar loogu soo xiray Burco
Bar-Kulan
December 7, 2012 Markacadeey
|
Macallimiin tiradoodu gaarayso 138 oo muddo 2 sano ah tababar la xariira
waxbaridda iyo barbaarinta ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe uu uga socday
jaamacadda magaalada Burco ayaa shalay loogu soo gabagabeeyay Togdheer.
Munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay macallimiinta oo lagu qabtay
xarunta jaamacadda ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuluiyiin ka socotay maamulka
gobolka, wasaaradda waxbarashada maamulka Somaliland iyo qaybaha bulshada.
Guddoomiyaha jaamacadda Burco Saleebaan Dirir ayaa tilmaamay muhiimadda ay
leedahay in la sii kororsado waxbarashada, wuxuuna u hambaliyeeyay macallimiinta
tababarka loo xiray.
Tababarka waxaa maalgaliyay Midowga Yurub.
HOME
|
|
|
|