|
Boosaaso: "Buuraha Galgala waa laga baabi'inaya qaswadayaasha ku dhuumanya" Puntland
AllPuntland
December 7, 2012 Markacadeey
|
Dawladda Puntland ayaa ku dhaaraatay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah
kooxda Alshaabab oo ku sugan buurta Galgala ee Gobolka Bari,xilli toddobaadkan
uu agaagasi dagaal ku dhexmaray ciidamada difaaca & cidan ka tirsan
maleshiyaadka alshabaab ee halkasi ku dhuumalaysanaya,
La tiliyaha Madaxweyanah puntland ee dhanka amaanka Axmed Doonyaale oo la hadlay
saxaafada ayaa sheegay in kooxahani ay ka soo qulqulayaan koonfurta Somaliya,
wuxuuna xusay in dhawaan la soo afjaro doon, shacabka & dawladuna ay ka midaysan
yihiin tirtirada kooxaha firaxadka ah doonayana inay dhibaato & amaan daro ay ka
abaabulaan deegaanada Puntland oo laga bartay nabad & horumar.
Doonyaale oo ka hadlayey qaabka ay Alshabaab ku garaan buuraha Galgala ayaa
sheegay in dhulka Puntland uu yahay dhulbalaaran ayna jihooyin badan ka soo
galaan oo bariga & bada ahaba,wuxuu tilmamay inay mid mid & lababa ay isku soo
racaan,wuxuusan meesha ka saarin in dawladda Puntland ay la socoto dhaq-dhaqaaqa
kooxdan ku jabtay dagaalada koonfurtu Somaliya, wuxuuna isagoo ka hadlaya uu
yiri.
"ka harimayno ilaa aan baabino haddana waa lagu daba jiraa, bulshadana waxaa ku
boorinayaa inay la shaqeeyaan ciidamada difaaca si looga hortego arxan
lawayaasha ku qaraabanaya diinta Islaamka ee ka been sheegya, insha alaah
dhawaan xubnaha fara ku tirska ah meelaha ay ku dhuumanayaan ayaan ugu tegynaa."
HOME
|
|
|
|