|
Danjire Ameeriko oo ka digey Saameyn ay qaraxtyadu ku yeeshaan Soomalida ku nool Islii
Radio Muqdisho
December 8, 2012 Markacadeey
|
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka digtay saameyn ay nolosha iyo
ganacsiga dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool ku yeeshaan qaraxyada
muddooyinka dambe ku soo badanaya deegaannada ay Soomaalidu ku badantahay ee
Dalka Kenya.
Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo xalay
Wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in Safaaraddu ay dowladda Kenya ku
adkeysay sidii loo badbaadin lahaa hantida iyo nolosha dadka Soomaaliyeed balse
falalka qaraxyada ah ee dhacaya ay yihiin kuwo aanan habooneyn.
Mudane Maxamed Cali Nuur Ameerico Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi ayaa wax laga
xumaado ku tilmaamay falalka qaraxyada ah ee ku soo noqnoqanaya xaafadda Islii
ee Soomaalidu degto, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay saameyn ku yeelandoonto
nolosha Soomaalida deggan Islii iyo ganacsigoodaba wuxuuna intaa ku daray
Safaaraddu ay ku dadaali doonto badbaadinta nafta iyo sumacadda muwaadiniinta
Soomalaiyeed iyo hantidoodaba.
Qaraxii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay xaafada Islii salaaddii cishaha kadib
ayaa waxaa ku dhaawacmen dad Soomaali ah oo uu ka mid ahaa Xildhibaanka laga soo
doorto xaafada Kamamuja kadib markii Bum gacmeed lagu tuuray Masjidka Al-Hidaaya
ee xaafada Islii.
HOME
|
|
|
|