|
Jowhar: Dhaqdhaqaaq xoogan oo ka socda Jowhar
December 9, 2012 Markacadeey
|
Wararka laga helayo magaalada Jowhar, xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa
sheegaya in saakay halkaasi ay ka jirto xiisad iyo dhaqa-dhaqaaq ciidan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqa,
ayagoo wada abaabulo la sheegay in ay ciidamada ku sameynayaan.
Arrintan ayay wararku sheegayaan in ay timid, kadib markii Shabaabku ay heleen
warar sheegaya in duulaan ay ku soo yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom.
Dhinaca kale, Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo wada socda ayaa lagu soo
waramayaa in ay foolka aadiyeen deegaanka Jowhar.
Xarakada Alshabaab ayaa gacanta ku heysay deegaanka Jowhar sedexdii sano ee ugu
dambeysay.
Bam lagu weeraray Shineemo Muqdisho
Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxay Qarax xalay lala eegtay goob lagu
daawanayay ciyaaro, gudaha magaalada Muqdisho.
Shineemo Muqdisho oo lagu taala degmada Wadajir ee Magaaladan ayaa xalay Bam
warar kala duwan ay ka soo baxayaan lagu tuuray.
Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu geeriyoodey, ilaa shan kalena uu dhaawac soo
gaaray.
Shineemo Muqdisho ayaa in mudo ah ahayd shineemada kaliya ee magaalada Muqdisho
ka shaqeysa, kadib markii SHineemooyinka kale loo xiray cabsi laga qabo
Alshabaab.
HOME
|
|
|
|