|
Taliyahii Asluuta oo xabsi da'im lagu xukumay
SONNA
December 9, 2012 Markacadeey
|
Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa
maanta xakun xabsi daa’in ah ku riday dad badan kuwaas oo uu ku jiray taliyihii
hore ee ciidamada Asluubta Cabdi Maxamad Ismaaciil Indhabuur kadib markii maanta
ay maxkamaddu ka fariisatay eedeymo loo heystay.
Eedaysane yaashani ay maanta ku ridday xukunka maxkamadda ciidamada Qalabka sida
ee Soomaaliyeed ayaa isugu jiray taliyihii hore ee ciidamada asluubta
Soomaaliyeed, agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo mid ka
mid ahaa maleeshiyaadka al shabaab.
Taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Ismaacil ayaa
lagu eedeeyay inuu sameeyay qiyaanno Qaran taas oo uu u adeegsaday darajadii uu
Qaranku u igmaday isagoo sii dayaayay rag badan oo al shabaab ka tirsanaa oo
maxkamadu ay xukun ku riday isagoona maleeshiyaad ka tirsan shabaab uu siiyay
darajo ciidan iyo aydhikaarka ciidamada Asluubta.
Sidoo kale agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada Xasan Liibiya ayaa isna
lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falkaasi isagoo ka gacan siiyay taliyihii hore
siidaynta al shabaab badan waxayna ku xukuntay shan sano oo xarag ciidan ah.
Guddoomiyaha maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed Liibaan Cabdi
Yarrow ayaa ku dhawaaqay go’aanka ay maxkamada ka gaartay dadkii maanta la hor
keenay kadib tasho badan oo ay sameeyeen.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa horay u riday xukunno kala
duwan kuwaas oo lagu riday maleeshiyaad ka tirsan kooxda shabaab iyo ciidamo ka
tirsan dowladda kuwaas oo geystay falal kala duwan.
HOME
|
|
|
|