|
Midowga Yurub o sii kordhinaya gargaarka samafal dalalka somalia iyo Maali
Shabelle
December 10, 2012 Markacadeey
|
Ururka Midowga Yurub ayaa dhaqaalo dheeri ah waxa ay ku kabayaan qoonadadii
Gargaarka ay ugu talagaleen dalalka Soomaaliya iyo Maali.
Illaa 20 Million oo EURO ayaa Midowga Yurub waxa ay shaaciyeen in ay ku
kordhiyeen Gargaarka samafal ee sanadkasta ay siiyaan dalalkaasi Soomaaliya iyo
Maali.
Sarkaal uhadlay Ururka Midowga Yurub ayaa shaaciyay in labadani dal ay yihiin
kuwa uga dhibaatada badan Caalamka ee loogu baahida badanyahay Gar gaarka
Samafal isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay tahay dalka 1aad ee dhibaato
macluusha ay ka jirto halka Maali uu sheegay in lambarka xiga ay tiigsatay
Warbixinta ayaa ugu dambeyn lagu xusay in Malaayin qof oo kasoo kala jeeda
labada dale ee Soomaaliya iyo Maali ay ka soo carareen deegaano iyo guryo ay
kunoolaayeen sababo Macluuleed iyo colaado ka jira dalalkaasi.
HOME
|
|
|
|