|
Ciil-mooge oo sheegay in dib loo billaabi doono adeegyada boostada
Bar-Kulan
December 10, 2012 Markacadeey
|
Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda federaalka
Soomaaliya Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in horraanta
sannadka cusub ee foodda nagu soo hayo dib loo furi doono xafiisyada boostada oo
xirnaa muddo ka badan 20 sano.
Walow ay gebi ahaanba burbureen kaabayaasha isgaarsiinta, bangiyada, waddooyinka
iyo adeegyada bulshada ayuu wasiirka rajo ka qabaa inay wasaaraddiisa sida ugu
dhaqsaha badan u suurtageliso dib u furidda adeegyada aasaasiga ah ee boostada.
Ciil-mooge wuxuu sheegay in Soomaaliya laga cafiyay lacag deyn aheyd oo dhan hal
milyan iyo bar oo dollar, laguna lahaa adeegyada boostada iyo isgaarsiinta dalka
xilligii dowladdii dhexe.
Dib u howlgelinta adeegyada boostada ayaa ahmiyad weyn u leh shacabka
Soomaaliyeed oo tan iyo burburkii dowladdii dhexe ku khasbanaa inay hababkii
waayadii hore u isticmaalaan diridda alaabtooda iyo waraaqahooda.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa waraaqaha iyo alaabta ay diraan waxay u sii dhiibaan
dad safar ah, iyadoo xilli kasta aanan la dammaanad qaadi karin in wixii ay
direen la gaarsiiyo dadkii ay u direen.
HOME
|
|
|
|