|
Maamulka Gobolka Banaadir oo taageeray Guusha Ciidamada ay ka gaareen Gobolka Sh/Dhexe
December 11, 2012 Markacadeey
|
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu taageerayay Guulaha Ciidamada
Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa Caawinaya ee Amisom ay ka gaareen gobolka
Shabeelaha Dhexe, kadib markii maleeshiyada haraadiga ah ee Shabaab ay ka
xoreeyeen inta badan gobolkaasi.
Munaasabadan oo galabta galinki dambe lagu qabtay xarunta degmada Shingaani,
ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta maamulka G/Banaadir oo uu ugu
horeeyay mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Afhayeenka Maamulka G/Banaadir
mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, Guddoomiyaha degmada Shingaani, qaar kamida
guddoomiye yaasha degmooyinka, boqolaal shacab ah iyo faaniin.
Waxaana lagu taageerayay guulaha ay ciidamada ka gaareen gobolka Sh/Dhexe,
iyadoona halkaasi ay ka hadleen masuuliyiin iyo ururada bulshada ee degmada
Shingaani, kuwaasoo dhamaan codkooda Taageerada ku biiriyay guushaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur
Tarsan, oo halkaasi ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday in shacaka reer Muqdisho
iyo Maamulka G/Banaadir ay markasta garab taagan yihiin Ciidamada Geesiyaasha
Qalabka sida ee Soomaaliyeed, iyo kuwa Amisom ee caawinaya.
?Waad ogtihiin in Guddoomiye yaasha degmooyinka ay taageero garab ah ay la daba
taagnaan jireen markata oo ay ciidamada degmooyin katirsan gobolada aan dariska
nahay ay xoreeyn, tanina maanta waxaan leenahay waan idin taageersanahay ee sii
wada xoreynta dalka.
Boqolaal shacabka degmada Shingaani ah ayaa codkooda ku muujiyay sida shacabka
Muqdisho oo dhan a ugarab taagan yihiin ciidamada iyo guulaha xoreynta dalka.







HOME
|
|
|
|