|
R/wasaaraha Kenya oo sheegay in Soomaalida ku nool Nairobi dib loogu celin doono dalkooda
Radio Muqdisho
December 11, 2012 Markacadeey
|
R/wasaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in dadka Soomalida ah ee ku
nool magaalada Nairobi si deg deg ah loogu celin doono dalkooda maadama ay xor
yihiin gobolada dalka, isagoo u saaray guddi ka shaqeeya dib u celintooda.
R/wasaaraha dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaalida ah ee ku nool
dalka Kenya dib loogu celindoono dalkooda Soomaaliya, maadaama sida uu sheegay
ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay nabadgelyo ka dhigeen dalka Soomaaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in waxa ka dhacaya Islii aan loo dulqaadan
Karin, sidaasi darteedna ay xukuumadiisu qaadeyso talaabooyin dib loogu celinayo
dadka Soomaalid ah ee bilaa sharciga ah.
Hadalka ka soo yeeray R/wasaaraha Kenya ayaa u muuqda in uu meesha ka saaray
go’aankii dowlada Kenya ee ku aadanaa in Somalida qaxootiga ah ee ku nool
Nairobi loo celindoono xeryaha qaxootiga.
HOME
|
|
|
|