|
Kenya oo adkeysay ammaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Shabelle
December 11, 2012 Markacadeey
|
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa
ay tilmaamayaan in ciidamada dowladda Kenya ay si’aad ah u adkeeyeen ammaanka
xuduudaha udhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Ciidamada dowladda Kenya ayaa waxa ay isku fidiyeen dhammaan xuduudaha ay
laleeyihiin Soomaaliya gaar ahaan inta udhexeysa Liboya Kenya iyo Liboya
Soomaaliya si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa dadka isaga kala gudbaya Xuduudahaasi.
sida uu shabelle usheegay mid ka mida dadka kusugan Magaalada Dhoobleey ee
Gobolka Jubada Hoose waxaa ay arintaasi Soomeyn kuyeelatay Soomaali badan oo
qaarkood doonayay in ay ugudbaan dalkaasi Kenya
Arrintaan ayaa waxa ay imaaneysaa xilli dhawaanahani Qaraxyo iyo weeraro
qorsheysan oo khasaara geestay ay kadhacayeen Magaalada Nairobi iyo W/bari
dalkaasi Kenya.
HOME
|
|
|
|