|
Cusmaan Axmed Rooble oo mar wasiir noqday oo geeriyooday
SONNA
December 11, 2012 Markacadeey
|
Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday
Cusmaan Axmed Roobe oo ahaa wasiirkii ugu horeeyay ee maaliyadda Soomaaliya,
ahaana nin maalqabeen ah Cusmaan Axmed Rooble.
Cusmaan Axmed Rooble wuxuu sanadihii dambe marxuumku deganaa magaalada London,
wuxaana la sheegay in uu u geeriyooday xanuun dhinaca kilyaha ah oo
mudooyinkaanba uu la xanuunsanayay.
Marxuumka, wuxuu ahaa wasiirkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Soomaaliya, xilligii
dowladdii madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan C/lle Cusmaan (Aadan Cadde).
Waxaana si weyn looga yiqiin magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Rooble waxaa uu lahaa Labo Shineemo
oo magaalada Muqdisho si weyn loogaga daawan jirey Aflaamta kala duwan kuwaas oo
kala ahaa Shineemo Afrika iyo shineemo Muqdisho.
Maanta ayaan alagu wadaa in lagu aaso magaalada London ee dalka Ingiriiska.
HOME
|
|
|
|