bbc11.jpg (2478 bytes)
bbc14.jpg (2475 bytes)
bbc18.jpg (2481 bytes)

aljazeera.jpg (3933 bytes)
News
Sports
Health
islam1.gif (1367 bytes)
Islam
UN
Somali
Arabic


»SomaliDiasporaNews
» Arts-Osmanart
» AllPuntland
» Allsomali.com   
» Awdelnews.com
» AminArts

» Baydhabo

» Banadir-City

» Banadir24

» Barawapost

» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule
» Boondheere

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Banooda

» Bulshoweyn

 

» Calanka

» Codk Somali

» Cadaado

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet
»
COS Company

 

» Gedonet 

» Geeska Afrika
» Gendershe

 

» Hamarey

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Iibka.com

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Lafoole.com

 

» Marka Cadeey

» MarkaCadey.net

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Midnimo.com

» MudugOnline

» MudugNet

» Muudi.net


» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

» RadioBuhoodle

» Radio Somaliland

» Ruunkinet.com

 

» SomaliNewsPost
»
Somalia24
» Somraf
»
Sharmarke Peace Foundation
»
Somali Fans
»
Sh. Hoose

» Somali Sports

» SSUNION

» SomaTVOnline

» Somaswis

» SomaliMarket
»
Somali Jecel

» Somali Bantu

» SBC Online

» Somali IT

» Saylac.com

» Somali Fish Soc.

» Somalilandnews

» Somalitalk.com

» Somali Malaysia

» Somalilife.com

» Somaliawatch

» Somaliawatch

» Somalilandnet

» SomaliNet

» Somali Center

» Somitek

» Somalitribune

» Somali Environ

» Somali Weyn

» Somali Youth
» Warkii

» Widhwidh

» XamarNews

 

Radio Links


» Radio SCERDO 
» Radio Benadir
» Radio Somaliland
» Radio Dalmar
» Radio Golis (RG)
» Sagal S. Radio
» Somali Radio (USA)

 

 

 

Wasiirka Hormarinta Iyo Adeegga Bulshada Oo Shacabka Gudaha Iyo Dibadda Su'aallo Uga Jawaabtay

 

 

Radio Muqdisho

 

 

December 12, 2012 Markacadeey


Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryan Qaasim ayaa su’aallo uga jawaabtay shacbiga Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayadoo sidoo kalena ay Wasiiraddu shacabka ka dhageystay aragtida ay jecelyihiin iney Wasaaradda u shaqeyso.

Drs Maryam Qaasim ayaa xalay marti ku aheyd barnaamijka Bandhiga Wareysiyada oo ka baxayey Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) waxaana shacabku ay toos usoo weydiiyeen su’aallo kala gedisan oo u badan sida ay u arkaan in dib loogu soo nooleyn karo Waxbarashada iyo Caafimaadka Dalkeenna.

Ugu horeyn Wasiiraddu waxey faah faahin ka siisay shacabka qaabka ay u shaqeyn doonto Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada maadaama ay ka mid tahay Wasaaraddaha ugu ballaaran Xukuumadda cusub ee Dalka islamarkaana ay ku kulansanyihiin dhowr wasaarradood sida:- Caafimaadka, Waxbarashada,Dhalinyarada, Sportiga, Shaqada, Shaqaallaha iyo kuwo kale oo badan waxaana ay xustay in Wasaarradaha la kulmiyey ay fududeyneyso in hal meel laga wado ayna aaminsantahay in shaqadu ay fududaan doonto.

Wasiiradda oo su’aallihii lasoo weydiiyey ay u badnaayeen dib usoo nooleynta Waxbarashada ayaa tilmaantay in qorshayaasha ugu horeeya ee Wasaaradda ay ka mid yihiin mideynta Manaahijta dalka,dib u yagleelida iskuullada ay dadku sida lacag la’aanta ah wax uga baran jireen iyo dib u howlgelin iyo tayeyn lagu sameynayo isbitaalladii Dowladda.

Mar ay Wasiiraddu ka hadleysay sida Waxbarashada dib loogu soo nooleyn karo ayey tilmaantay in dhowaan ay Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada ku qaban doonto magaalada Muqdisho shir heer Qaran ah kaasi oo ay kasoo qeybgeli doonaan quburro,macalimiintii hore ee Waxbarashada iyo kuwa hada islamarkaana ay aaminsantahay in shirkaasi ay kasoo bixi doonaan go’aanno dhaxgal u noqda sida Waxbarashadeenna lagu hormarin karo.

Drs Maryam Qaasim Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada oo wax laga weydiiyey waxa ay Wasaaraddu u qorsheysay fursado shaqo abuuris loogu sameynayo dhalinyarrada Soomaaliyeed ayey sheegtay in qorshayaasha Wasaaraddu ay ka mid yihiin in dhalinyaradu ay helaan shaqooyin ayadoo xitaa qofkii aan shaqeyn loo diyaarin doonno barnaamij uu ku qaato biil uu noloshiisa ku dabaro qaabkaasi oo ah qaab ay u dhaqmaan dalalka horumaray.

Mar ay sidoo kale ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada xiriirka Wasaaradda iyo maamul goboleedyada ayey xustay in Wasaaraddu ay xiriir aad u wanaagsan la leedahay maamul goboleedyada ka jira Dalka si xiriirkaasi loo adkeeyana ay dhowaan booqasho ku tegi doonto gobollada Dalka.

Qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadaha gudaha iyo Dibadda oo Barnaamijka Telefoonka ugasoo qeybgalay waxey Wasiiraddu weydiiyeen waxa uga qorsheysan iney ka qabato musuq maasuq lagu sameeyo deeqaha Waxbarasho ee laga helo dalalka Soomaaliya saaxiibada la ah ayey ballan qaaday ineysan jiri doonin wax musuq maasuq ah oo deeqahaasi loo maareyn doono si caddaalad ah.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada ayaa ka codsatay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iney si isku duubni ah ula shaqeeyaan Dowladooda si dalku uu u noqdo mid la gaarsiiyo hormar.

Barnaamijkan ay shacabka Soomaaliyeed su’aallaha kusoo weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada ayaa qeyb ka ah barnaamijyo taxane ah oo ay Warbaahinta Qaranku ku marti qaado madaxda kala duwan ee Dowladda ayadoo u jeedada barnaamijyadaasina ay tahay iney shacabku fursad u helaan iney Madaxdooda toos ula xisaabtamaan islamarkaana ay talooyin usoo gudbiyaan.

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Jawaabaha Drs Maryan Qaasim 11-December-2012

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Jawaabaha Drs Maryan Qaasim 11-December-2012


 
 

HOME

Get a 7-Day Free Trial to FunPass.

 

 

Free Shipping @ Shoebuy.com!
 

return.gif (3137 bytes)