|
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo maanta soo gaaray Muqdisho
Shabelle
December 12, 2012 Markacadeey
|
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Idiris Aar Naa’uud Cali iyo Wafdi uu
hoggaaminaayo ayaa Maanta Barqanimadii waxa ay ka soo degeen Gegida Dayuuradaha
Aadan cadde Air-Port ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu Casuumaad Ka helay
Dhigiisa Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa waxa gudaha Garoonka ku soo dhaweeyay Guddoonka Sare Ee
Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa Qaar ka mida Mudanayaasha Baarlamaanka iyo
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekh Una.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof:Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo
Saxaafadda Kula hadlay Garoonka ayaa waxa uu sheegay in Guddomiyaha Baarlamaanka
Jabuuti uu kuyimid Muqdisho Booqasho walaaltinimo ah islamarkaana ay tahay arrin
Farxadleh
Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Jabbuuti Idiris Aar Naa’uud Cali oo isna Gudaha
Garoonka Warbaahinta kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in Socdaalkiisa uu ka
turjumayo Caasumaad uu ka helay dhiggiisa Baarlamaanka Soomaaliya Prof:Jawaari.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa waxa uu tilmaamay in ay waajib tahay labo
Baarlamaan oo walaala ah islamarkaana ay kawada tashtaan aayahooda
Waa markii ugu horeysay Guddomiye Baarlamaan oo ka socda dalalka Jaalka la ah
Soomaaliya uu booqasho ku yimaado Magaalada Muqdisho tan iyo Markii Soomaaliya
ay ucuratay dowlad Federaal ah.
HOME
|
|
|
|