|
Booliska Kenya oo xiray lix argagaxiso lagu tuhmay
Bar-Kulan
December 12, 2012 Markacadeey
|
Ciidanka booliska Kenya ayaa xiray lix qof oo loo maleynayo inay argagaxiso
yihiin kuwaas oo lagu qabtay deegaanka Amuma ee u dhow soohdinta u dhaxeysa
Kenya iyo Soomaaliya.
Lixda qof oo labo ay dumar yihiin ayaa la qabtay ayagoo ku safraya gaari Toyota
Land Cruiser ah kaddib markii boolis ka tirsan saldhigga Lagdera ay istaajiyeen
si baaritaan caadi ah loogu sameeyo.
Waxaa gaarigii ay saarnaayeen laga helay saddex garneylada gacanta laga tuuro,
labo bastooladood iyo 84 xabbadood oo rasaas ah, sida lagu qoray wargeyska
Standard.
Madaxa booliska gobolka waqooyi bari Philip Tuimur ayaa sheega inay afar kale
baxsadeen kaddib markii ay ka boodeen gaariga oo socda.
Philip wuxuu intaas raaciyay in dadkaasi loo qaaday xeryaha qaxootiga Dhadhaab
halkaas oo su’aalo lagu weydin doono.
Saraakiisha ayaa laga soo xigtay inay jiraan caddaymo muujinaya in hubka iyo
garneylada loo adeegsan rabay weerarro laga fulin lahaa magaalada Gaarisa ee
xarunta gobolka waqooyi bari Kenya.
HOME
|
|
|
|