|
Kenya oo heegan gelisay ciidamadeeda
SONNA
December 13, 2012 Markacadeey
|
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay heegan sare gelisay ciidamadeeda, iyadoo ka
digtay weeraro argagixiso oo Al-qaacida ka fuliso wadankaasi, inta lagu gudajiro
dabaaldega Sanadka cusub.
Dowladda Kenya ayaa tilmaantay in hey’adaheeda sirdoonku ay heleen xog ku
saabsan in maleeshiyaadka Shabaab ee la midoobay Al-qaacida ay doonayaan in ay
weeraro argagixiso ka fuliyaan Kenya inta lagu gudajiro dagaaldegyada sanadka
cusub.
Hey’adaha amaanka ee Kenya ayaa xaqiijiyay in kooxaha argagixisada ay
qorsheynayaan weeraro argagixiso oo lagu soo beego munaasabadaha loogu
dabaaldegayo sanadka cusub ee ka dhicidoona gudaha dalka Kenya, waxeyna
hey’adaha amaanka Kenya ay sheegeen in ay ka digtoonaandoonaan kana hortagi
doonaan weerarada ay qorsheynayaan argagixisada.
Sidoo kale guddoomiyaha degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya
Maxamed Macalin ayaa sheegay in ciidamadu ay qabteen Toban qofood oo doonayay in
weeraro argagixiso ay ka fuliyaan magaalada Gaarisa, kuwaas oo watay walxaha
qarxa doonayayna in ay weeraro ka geystaan magaalada Gaariisa inti ay socotay
munaasabadii xuska maalinta madaxbanaanida dalkaasi oo shalay ka dhacday Gaarisa
laakiin sida uu sheegay ka hor la qabtay.
HOME
|
|
|
|