|
Boolis loo xil-saaray amniga Marka
Bar-kulan
February 1, 2012 Markacadeey
|
Boqol askari oo boolis aha ayay dowladda Soomaaliya
sheegtay inay sugayaan amniga xaafadaha magaalada Marka ee
xarunta u ah gobolka Shabeelaha Hoose.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,
Cabdi Faarax Shirdoon oo shalay booqasho ku tagay magaalada
Marka ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaya boqolka askari uu
bixinayo xafiiskiisa inta laga helayo dhaqaale ku filan oo
ay dowladda Soomaaliya u qoondaynayso gobolka oo dhan.
Shirdoon ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xalay qaybaha
bulshada ee magaalada Marka la qaatay, waxaanu tilmaamay in
askarta oo ka kala imaanaysa beelaha gobolka laga billaabo
maanta ay howlgalkooda amni billaabayaan.
Ra’iisul
wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi wasiirro ah oo uu
hoggaaminayo oo shalay tagay magaalada Marka ayaa xalay ku
hoyday gudaha magaalada.
HOME
|
|
|
|