|
Soomaalida ka soo laabaneysa dalka Kenya oo sii kordheysa
Radio Muqdisho
February 2, 2012 Markacadeey
|
Tirada dadka Soomaaliyeed ee ka
soo laabaneysa Dalka Kenya ayaa si aad ah usii kordheysa,
ayadoo soo laabasahada dadkaasi ay kusoo laabanayaan
dalkooda hooyana si aad ah looga dareemay xaafadda Islii ee
Magaalada Nairobi iyo Xerooyinka Qaxootiga.
Magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya sida Nairobi, Mombasa
iyo xeryaha Qaxootiga ayaa si weyn looga dareemaya dadka
Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalkooda hooyo kadib
markii ay soo hagaagtay xaalada ammaan ee dalka.
Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii oo ay Soomaalidu
ku badantahay ayaa laga dareemaya hoos u dhac dhinaca
ganacsiga ah iyo sidoo kale hoos u dhac ku yimid qiimaha
lagu kireysto guryaha kadib markii ay Soomaali farabadan ay
dib ugu soo laabteen dalkooda.
Sidoo kale guryihii
ciriiriga ahaa ayaa haawanaya kadib markii ay inta badan
Soomaalidii deganeyd xaaafadaasi ay isaga soo taageen waxana
sidoo kale hakad ku yimid dhismayaal dhowr ah oo ay
ganacsato Soomaaliyeed ka hirgelinayeen xaafada Islii.
Dquluqulka Soomaalida ka soo laabanaysa Kenya ayaa sidoo
kale laga dareemaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,
waxaana dib usoo laabashadooda loo aaneynayaa kadib markii
uu xumaaday amaanka dalka Kenya isla markaana ay soo
hagaagtay xaalada ammaan ee dalkeena Soomaaliya.
HOME
|
|
|
|