|
Bayxaani: Amniga Beled Xaawo waa in wax laga qabtaa
Bar-kulan
February 2, 2012 Markacadeey
|
Guddoomiyaha degmada Beled Xaawo, Maxamuud Axmed
Bayxaani ayaa saraakiisha ciidamada faray inay xoojiyaan
ammaanka degmada oo maalmihii ugu dambeeyay aan
wanaagsanayn.
Guddoomiyaha oo saaka kulan la qaatay saraakiisha ciidamada
ayaa Bar-kulan u sheegay inay isla garteen xoojinta
ammaanka, isla markaana laga hor tago falalka lidka ku ah
xasilloonida degmada.
Waxa uu sheegya in maalin iyo
habeen ay saraakiishu diyaar u yihiin xasilinta Beled Xaawo.
Falal lagu bar-tilmaameedsanayo dad rayid aha oo
qaarkood weerarro lagu dilay ayaa ka dhacay degmada Beled
Xaawo maalmihii ugu dambeeyay.
HOME
|
|
|
|