|
Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Ingriistka oo si heer sare ah u soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
February 3, 2012 Markacadeey
|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Marwo: Qamar Cali Cumar iyo
wafdigii uu hogaaminayay ayaa caawa waxaa si heer sare ah
loogu soo dhaweeyay Westminister, halkaas oo ay kula kulmeen
Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska.
R/Wasaare ku
xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo iskaashiga
Caalamiga Marwo Fawziyo Xaaji Yusuf Adam, Wasiirul Dowlaha
Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Cabdiraxman
Sh. Ciise la
taliyayaasha madaxweynaha dhinaca Amaanka Qaranka, iyo saraakiil ka tirsan Villa
Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa kulankan.
Madaxweynaha
oo qudbad ka jeediyay halkaas ayaa wuxuu kaga hadlay,
qorshaha dowladda ay ka damacsantahay, amniga. Wuxuuna kaga
digay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingriiska in
ay ka fogaadaan qabyaaladda. “ Qaran in la dhiso iyo in
qabyaallad laga shaqeeyo meel is lama gasho” wuxuuna
Madaxweynaha ku booriyay Jaaliyadda in ay ka qeyb qaatan dib
u dhiska dalka.
Madaxweynaha, ayaa jaaliyadda
warbixin ka siiyay xaaladda uu hadda dalka ku sugan yahay
iyo istaraatijiyadda Lixda Tiir siyasadeed. Waxaa kale uu ka
hadlay safarkiisii uu ku gaaray dalka Maraykanka, kaasna ku
tilmaamay mid guul ku soo dhamaaday.
Ugu danbeyntii
ayuu Madaxweynaha kula dar-daarmay Jaaliyadda in ay dhowraan
sharciyadda iyo nidaamka u degsan dalka ay ku nool yihiin,
ayna masuuliyad iska saaran xoojinta arinkaas.





HOME
|
|
|
|