|
Qaybaha Bulshada Muqdisho oo qaylo dhaan ka muujiyay qiima dhaca sarifka doolarka
Shabelle
February 3, 2012 Markacadeey
|
Qaar Ka mid
Aqoonyahanadda iyo Waxgaradka ku dhaqan Gobolka Banaadir
ayaa qaylo dhaan Xoogan Ka muujiyay Saameynta ay Ku yeelatay
Shacabka Muqdisho hoos u dhaca ku yimid Sarifka doolarka.
Aadan C/Qaadir Axmed oo ka mid ah Aqoonyahandda
Soomaaliyeed oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in
ay sabab u yihiin hoos u dhaca Sarifka doolarka islamarkaana
ay ka dambeeyaan ganacsato Soomaaliyeed oo aan u naxeyn
umadda Soomaaliyeed.
Aadan C/qaadir ayaa Sidoo Kale
Tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay soo daashatay dagaallo
iyo Abaaro Ba’an haatanna Ganacsatada dhibaato kale oo
horleh ay u horseedeen iyagoo Fiirsanaya dantooda Gaarka ah.
Nabaddoon Macallin Max’ud Cali Max’ud oo ka mid ahaa
Odayaal dhaqameedka Boqol 35 ta ahaa ee Soo xulay
Xildhibaanada oo isna Lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa Xusay
in Culees Weyn ay ku tahay Umadda Soomaaliyeed in uu hoos u
dhac ku yimaado doolarka Raashinkana uu halkiisii Joogo.
Qayladhaanta ay aqoonyahanadda iyo waxgaradka ku dhaqan
Magaalada Muqdisho ay Ka muujiyeen qiima dhaca ku yimid
Sarifka doolarka ayaa waxa uu imaanayaa xilli dadka ku
dhaqan Magaalada Muqdisho ay Taaganyihiin Afkiibaa Juuqda
Gabay.
HOME
|
|
|
|