|
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo dhaweeysay go’aanka culumada Soomaaliyeed
Radio Muqdisho
February 18, 2012 Markacadeey
|
Wasaaradda Arirmaha Gudaha
iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar
kale soo dhaweysay go’aanka culumada Soomaaliyeed ee ku
aadanayaa in la qabto shirweyne looga arrinsanayo dhibaatada
Al-Shabaab ay ku hayaan dhammaan Bulshada qeybaheeda kala
duwan oo ay hormuud ka yihiin dilalka Culumada lagula kaco.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mar kale tilmaamay in ay soo
dhaweynayaan cid walba oo Al-Qaacidda dabar goynteeda ka
qeyb qaadaneyso, isagoo xusay in dhawaan la qaban doono shir
weyne ay ka qeyb-galaan Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo
dowladana ay ku howllantahay qabsoomidda shirkaasi, si
meesha looga saaro dhibaatayada argagixisada .
Dhinaca kale mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hoosta ka
xariiqay in diyaarinta ciidammo si gaar ah uga shaqeeya
amniga magaalada Muqdsiho uu meel gabagabo ah marayo, isagoo
dhinaca kale xusay in dib u habeyntii lagu sameynayay
maaamulada gobollada siddeedii ay u soco, isla markaana sida
ugu wacan ay u dhammeystiri doonaan arrintaasi.
Hadii
uu qabsoomo shirka dowladu ku baaqday ayaa laga filan karaa
go’aano wadajir ah oo ay Culumada Soomaaliyeed hormuud ka
yihiin.
HOME
|
|
|
|