|
Cali Ameeriko: Dowladda Kenya si qaldan ayey u fahantay hadalkii Fowziyo Yuusuf
Shabelle
February 18, 2012 Markacadeey
|
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador Maxamed Nuur
Cali Ameeriga oo la hadlay Wargeyska The Daily Nation ayaa
waxa uu sharaxay waxa uu macno ahaan u dhacayo hadalkii
Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay ka jeediyay golaha
Amaanka Q/M, kaasi oo ay uga soo horjeesatay in Ciidamo
Badeed oo AMISOM hoostaga la sameeyo.
Ambassador Cali
Ameeriko ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ujeedka ay isku
hortaagtay in la sameeyo Ciidamo Bad oo AMISOM ah ay tahay
in dhaqaalo badan uu ka baxo taa badalkeedana loo
baahanyahay in wax u dhigma kana manaafacaad fiican lagu
sameeyo taasi oo ah in la dhiso Ciidamada Ilaalada Xeebaha
Soomaaliya.
“Waxaan doorbideynaa in nagala caawiyo
dhismaha Ciidamadeena Ilaalada Xeebaha, kuwaasi oo ka qiimo
yar kana faa’iido badan waqti dheerna anfacaya Amaanka
Soomaaliya iyo kan gobolka.” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Nuur
Cali Ameerika.
Maxamed Nuur Cali Ameeriko ayaa
carabka ku adkeeyay in Kenya ay si qalad ah u fahantay
hadalkii Ra’iisul wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha
Dibadda Soomaaliya ay ka jeedisay golaha Amaanka , waxaana
uu xusay in hadalkaasi macnihiisa uusan u dhaceyn in
Soomaaliya ay ka soo horjeesatay taageero nuuc kasta ah oo
ay Kenya siiso.
“Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya
kama soo horjeedo taageera kasta oo ay siinayaan Ciidamada
Badda Kenya, dowladda Kenya iyada ayaa xaq u leh in ay
go’aan sato Nuuca taageero oo ay dooneyso in ay ku
caawinayso Soomaaliya.” Sidaasi waxaa Markale sheegay Cali
Ameriko.
Kenya ayaa ah dowladda Kaliya ee qeybta ka
ah howlgaka AMISOM ee ciidamo badeed ay ka joogaan Xeebaha
Soomaaliya waxaana ay u ololeyneysay in Golaha Amaanka laga
meel mariyo qaraar Ciidamo badeed oo AMISOM ah lagu
sameeynayo kuwaasi oo ay ku kucidoonto qarashaad gaaraya
10-Milyan oo Doolarka Maraykanka.
HOME
|
|
|
|