bbc11.jpg (2478 bytes)
bbc14.jpg (2475 bytes)
bbc18.jpg (2481 bytes)

aljazeera.jpg (3933 bytes)
News
Sports
Health
islam1.gif (1367 bytes)
Islam
UN
Somali
Arabic


»SomaliDiasporaNews
» Arts-Osmanart
» AllPuntland
» Allsomali.com   
» Awdelnews.com
» AminArts

» Baydhabo

» Banadir-City

» Banadir24

» Barawapost

» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule
» Boondheere

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Banooda

» Bulshoweyn

 

» Calanka

» Codk Somali

» Cadaado

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet
»
COS Company

 

» Gedonet 

» Geeska Afrika
» Gendershe

 

» Hamarey

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Iibka.com

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Lafoole.com

 

» Marka Cadeey

» MarkaCadey.net

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Midnimo.com

» MudugOnline

» MudugNet

» Muudi.net


» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

» RadioBuhoodle

» Radio Somaliland

» Ruunkinet.com

 

» SomaliNewsPost
»
Somalia24
» Somraf
»
Sharmarke Peace Foundation
»
Somali Fans
»
Sh. Hoose

» Somali Sports

» SSUNION

» SomaTVOnline

» Somaswis

» SomaliMarket
»
Somali Jecel

» Somali Bantu

» SBC Online

» Somali IT

» Saylac.com

» Somali Fish Soc.

» Somalilandnews

» Somalitalk.com

» Somali Malaysia

» Somalilife.com

» Somaliawatch

» Somaliawatch

» Somalilandnet

» SomaliNet

» Somali Center

» Somitek

» Somalitribune

» Somali Environ

» Somali Weyn

» Somali Youth
» Warkii

» Widhwidh

» XamarNews

 

Radio Links


» Radio SCERDO 
» Radio Benadir
» Radio Somaliland
» Radio Dalmar
» Radio Golis (RG)
» Sagal S. Radio
» Somali Radio (USA)

 

 

 

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku Qabtay Kulan Wadashi ah oo Looga Arrinsanayay Sharciga Saxaafada

 

 


 

 

February 19, 2012 Markacadeey


Kulan balaaran oo looga arrinsanayay Sharciga Saxaafada ayaa Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed uu ku qabtay magaalada Muqdisho. Kulankaas oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana ay martigelisay Xarunta Dallada hay'adaha aan dowlliga ahayn ee SOSCENSA ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta Idaacadaha, Telefishinada, wakaaladaha Dibada iyo Wargeysyada iyo xeeldheerayaal dhinaca saxaafada ah.

Kulankan wadatashiga ah ayaa daba socda kulan dhowaan Wasaarada Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ku qabatay 10 Febraayo Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, taasoo wasaarada gacanta u gelisay bahda warbaahinta iyo suxufiyiintaba Sharcigii saxaafada, kaasoo ujeedkiisu ahaa in laga talo galiyo bahda saxaafada sidii fikirkooda iyo aragtidooda ugu biirin lahaayeen.

Xubhihii halkaa ka haldey qaarkood waxaa ka mid ahaa Agaasiaha Idaacada Dalsan Xasan Cali Geeseey oo sheegey in Qododbada qaar loo baahanay in si wanaagsan la isaga hubiya gaar ahaan kuwa la xiriira dhinaca amaanka, waxaa kale uu sheegey in loo baahan yahay in xeerkaan uu noqdo mid Damaanad qaadaya in Saxaafada si xor ah u shaqeystaan.

Agaasimaha Idaacada Kulmiye Cisman Cabdulaahi Guure ayaa isaga doodaas ka sheegey in Xeeraakan uusan ku jirin mid wax u dhimaya Saxaafadda Madaxabanaan wuxuuna soo jeediyey in sidiisa loo daayo , waxaa kale uu sheegey in xeerkaan uu soo marey heerar ka duwan maanta loo baahan in uu u gudbo goobhii looga baahnaa si loo ansaxiyo

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Agaasimaha Idaacada Mustaqabal Aweys Aar oo sheegey in Xeerkaan si wanaagsan looga doodo islamarkaana waxaa uu sheegey in loo qabto Sharciyqaano si loo helo xeer ay ku qanacsan yihiin dhamaan Bahda Saxaafada si looga gudbo arimaha markasta ka dhex dhaca Dowlada iyo Saxaafadda.

Wxaa kaloo halkaa ka Hadley Tafaftiraha Idaacada Goob Joog Cabdinaasir Xirsi Iidle oo sheegey in Xeerkaan uu noqdo mid damaanad qaadi kara Saxaafada sidoo kale waxaa uu sheegey in Uruka Nusoj looga baahan yahay in ay fiiro gaara u yeesheeg Raga Qareenada u ah Dowlada kuwaas uu sheegey in ay doonayaan in Xeerkaan sida uu hadda yahay uu ku dhaqan galo.

Doodaas intii ay sosoctey waxaa ka Hadley Agaasimaha Idaacada Danan Maxamed Bare Fiyoore oo u mahadceliyey Ururka Nusoj oo uu sheegey in ay yihiin kuwa u taagan samatabixnta Bahda Saxaafadda isagoo sheegey in ay yihiin dad u baahan in la abaal Mariyo waxaa kale uu sheegey in Xeekaan looga baahan yahay in Saxaafada ay si taxadar leh isAga fiiriyaan.

Axmed Maxamed DhicisoW oo ah Tataftiraha wargeyska Tododbaadlaha ah ee Xamar waxaa uu sheegey in loo baahan yahay in Xeerkaan Saxaafada la iska Hubiyo oo Xarun Warbaahin oo dhan ay yeelato Qareen u fasira Qododbada Xeeraka ku qoran maadaama uu yahay Sharci Macneeyey ka ilaalin kara Khaladka Warbaahinta ku dhacdo iyo midka loo geysan karo.

Waxaa kulanka iyana ka hadlay Agaasime ku xigeenka Telefishinka Universal, Somalisat, StarFM, Radio Banaadir, Radio Xamar (VoD) iyo masuuliyiin kale oo badan.

Wxaa kaloo halkaa ka hadLey Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ Maxamed Ibraahim oo ugu horeyntii u Mahadceliyey Hayadda SOSCENSA martigelinta kulanka, isagaoo sheegey in Qodoba qaar Saxaafiyiinta looga baahan yahay in ay si taxader leh uga soo Baraan degaan si loo helo xeer ay kuwada qanci karaan Saxaafada qaybaheeda kala Duwan iyo dowladdaba.

Waxaa Doodii Maanta soo xirey Gudoomiyaha Hayada SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo sheegey in Saxaafada looga baahan yahay in ka shaqeeyaan dhinaca wanaaga wuxuuna u soo jeediyey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta in ay si feejignaan leh isaga fiiriyaanoo qodobada qaar waxaan doodaan la isugu soo laaban doonaa Haddi Eebbe Idmo Maalinta Khamiista ee Foodda nagu soo heysa.

Dhinaca kale waxaa maalinta Arbacada ee ay bisha ku beegan tahay 20 Maxakamada Gobolka Banaadir ka furmi doonaa Xukunkii Racfaanka ahaa ee Qareenada ka qaateen Xukunkii lagu ridey Wariye Cabdicasiis Koronto, iyagoo aad u rajo weynaa in Cabdicasiis uu heli doonto maxkamad caddaalad ah, isla markaana xorriyadiisa uu dib u heli doono.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

HOME

Get a 7-Day Free Trial to FunPass.

 

 

Free Shipping @ Shoebuy.com!
 

return.gif (3137 bytes)