|
Gaalkacyo: Laba qof oo xaley lagu dilay Gaalkacyo
Allpuntland
February 19, 2012 Markacadeey
|
Koox gaari wada´ta ayaa rasaas ku
furay dad, waxaana isla goobta ku dhintey laba nin halka nin
sadexaad uu ku geeriyoodey markii Isbitaalka la geeyey,
waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale.
Dadka dhintey
ayaa labo waa dadka deegaanka, halka ninka saddexaad ee
isbitaalka ku dhintey uu kasoo jeedo deegaanka nawaaxiga
Afgooye.
Nimanka weerarka soo qaadey waxay u fakadeen
xaafada Koonfurta Gaalkacyo, waxaa sidaas xaqiijiyey dad
goob joogayaal ahaa.
Mudo afar cisho gudeheed ah,
waxaa gobolka Mudug lagu diley todoba qof oo kuwa dadka
dilay ay u baxsadeen dhinaca uu gobolka ka maamulo maamulka
Galmudug.
HOME
|
|
|
|