|
Iska Hor'imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay Janaale
Shabelle
February 20, 2012 Markacadeey
|
Wararka laga helaayo deegaanka Janaale ee
Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay ku soo waramayaan in halkaasi
uu ka dhacay Iska hor’imaad u dhexeeya Ciidamada dowladda
iyo AMISOM oo isku dhinaca iyo Xarakada Al Shabaab.
Iska Hor’Imaadka ayaa la sheegay in inta la ogyahay ay ku
dhinteen illaa 2 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah waxaana
wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi laga helayo ay
tilmaamayaan in xaalada haatan ay degentahay oo Deegaanka
Janaale ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo Kuwa
Midowga Afrika.
Dagaalka kadib ayaa dad deegaanka
waxa ay inoo xaqiijiyeen in halkaasi Ciidamada dowladda iyo
Kuwa AMISOM ay kabillaabeen Howl Gallo Xoogan oo dad u badan
dhalinyaro lagu soo qabtay.
Deegaanka Janaale ayaa ka
mid ah Deegaanadi ugu dambeeyay ee Ciidamada dowladda iyo
Kuwa Midowga Afrika ay kala wareegeen Xarakada AL Shabaab.
HOME
|
|
|
|