|
Madaxweynaha oo soo dhaweeyay Xildhibaan ka socda dowladda Maraykanka
February 20, 2012 Markacadeey
|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho
ku soo dhaweeyay Xildhibaan Keith Ellison oo ka tirsan
xildhibaanada Maraykanka.
Kulankan oo qaatay muddo
45 daqiiqo ah ayuu Madaxweynaha wuxuu ku wargeliyay
Xildhibaanka muhiimadda uu leeyahay xiriirka u dhaxeeya
Soomaaliya iyo Mareykanka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga
waramay Xildhibaanka horumarka ay Soomaaliya gaartay, iyo in
Soomaaliya ay hadda ku jirto xaalad ay kasoo kabsaneyso
dhibkii ku dhacay.
Madaxweynaha ayaa uga mahad
celiyay dowladda Maraykanka taagerada dheer ay dowladda
Soomaaliya taagertay. Wuxuna sheegay in gobolka Minnesota ay
degan yihiin Soomaalida ugu badan marka laga rebo qaaradda
Afrika. Sidaas darteedna waxaa farxad noo ah in Xildhibaanka
uu ogaado xaaladda dhabta ah ee ka jirto Soomaaliya. Waxaana
rajeynayaa in uu farintaas oo ka warbixineysa horumarka ka
jira halkaan u gudbiyo.
Madaxeyne Xassan ayaa ka
hadlay cadaaldda iyo muhiimadda ay u leedahay dowladda uu
Madaxweynaha ka yahay. Wuxuuna sheegay in ay ka mid tahay
tiirarka ugu muhiimsan lixda Tiir Siyaasadeed ee dowladda,
kaas oo lagu doonayo in Soomaaliya nabada dib loogu soo
celiyo.
Bishii lasoo dhaafay ayuu Madaxweynaha
booqasho muhiim ah ku aaday caasimada dalka Maraykanka ee
Washington waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka
tirsan labada aqal ee Maraykanka, kuwaas uu horkacayay
Xildhibaan Keith Ellison.
Sidoo kale Xildhibaanka
ayaa Madaxeynaha ku casuumay gobolka Minessota waqtigii uu
ku sugnaa Maraykanaka.



HOME
|
|
|
|