|
Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji oo dib ugu soo laabatey Muqdisho
February 21, 2012 Markacadeey
|
Ra'iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda
Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiya
Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay Magaalada
Muqdisho kadib markii Magaalada New York ay uga qeybgashay
14-kii bishan February kulan golaha ammaanka ee Qaramada
midoobey uu kaga dooday ajandayaal ku saabsan arrimaha
wadanka Soomaaliya, ayaa waxa ay Shir jaraa’id oo ay ku
qabatay Airport-ka Muqdisho ay ku sheegtay in kulankaasi ay
ku bandhigtay baahida dowladda Soomaaliya ay u qabto dib u
dhiska iyo qalabeynta ciidamada badda Soomaaliya si ay ula
dagaalamaan burcad
badeeda, argagaxisada, tahriibka, kalluumeysiga sharci darada
ah iyo wixii la mid ah.
Marwo Fawsiya Yuusuf waxa ay
ku celcelisay baaqa dowladda ee ah in laga qaado xayiraadda
hubka ee la saaray Soomaaliya sanadkii 1991 –kii ,waxa ayna
tiri “wadahadalada aan la leenahay Xubnaha golaha ammaanka
waxa uu socon doonaa ilaa iyo 7 bisha March, si cunaqabeynta
hubka nalooga qaado,lana xoojiyo awooda ciidamadeena,iyadoo
la kordhinayo howlgalada ciidamada nabad ilaalinta “AMISOM”,
si loo soo celiyo nabadda iyo deganaanshaha wadanka”.
Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda
Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga, waxa ay uga
mahadcelisay dowladda iyo shacabka Kenya dadaalka walaalnimo
iyo midda derisnimo ee ay garabka iyo taageerada ku
siinayaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed , waxa ayna
tiri “ Kenya waa dowlad saaxiib la ah Soomaaliya oo deris la
ah, ciidamadeedu waxa ay nala qeybsadeen dhiig badan oo
daatay, abaal baan uga heynaa , guul weyn ayey gaareen
,laakiin arrinta aan ka hadlay waa sidii loo dhisi lahaa
ciidamada badda Soomaaliya, loona qalabeyn lahaa, ee ma ahan
sida warbaahinta ay warka u buun-buuniyeen oo ay u
fasirteen”.
Wasiirad Fawsiya intii ay ku sugneed
Airport-ka, waxa ay ku qaabishay halkaasi ergeyga gaarka ah
ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan
Soomaaliya Ambassador Augustine Philip Mahiga, iyagoo ka
wada hadlay arrimo badan oo ku saleysan xaaladda dalka.







HOME
|
|
|
|