|
Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM oo jiiray askari ka tirsanaa ciidamada XDS
Radio Muqdisho
February 21, 2012 Markacadeey
|
Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa sarkaal ka
tirsan ciidamada XDS ku dilay gobolka Shabeelaha Hoose
kaddib markii jiiray mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen.
Col. Hilowle Ciise Hagareey oo ka mid ah saraakiisha
ciidamada XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in kolanyo ka
tirsan gaadiidka ciidamada AMISOM ay deegaanka calamada ku
jiireen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada XDS, kaas oo lagu
magacaabi jiray C/salaam Sheekh Maxamuud Hilowle
‘’Baraxoow’’.
Shilka uu ku dhintay sarkaalkani ayaa
yimid kadib markii uu jiiray mid ka mid ah kolonyo gaadiid
ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ee Burundi.
HOME
|
|
|
|